DHAGEYSO WAREYSI: Qarax ka dhacay Gaalkacyo

Xildhibaan ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa goor dhow Qarax lagula eegtay gudaha magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug, xilli uu watay Gaarigiisa.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Risaala u sheegay in Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan Qarax loogu xiray Gaarigiisa isaga oo ka soo baxay Hotel Clasic ee magaalada Galkacyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan dhaawaca soo gaaray uu yahay mid aad u culus iyadoo loola cararay Isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo.

Wariyaheena Maxamed Cabdi Cali ayaa faah faahinada Qaraxaasi waxa uu ka wareystay Wariyaha Risaala ee Degaanada Puntland Maxamed Cali Siyaad.