Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu uu si kulul u canbaareynayaa isla markaana uu wax laga xumaado uu ku tilmaamayaa warqad wargalin ah oo ka soo baxday xafiiska Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde General Cabdi Ashir Jaamac taas oo lagu amrayay hey’adaha amniga garoonka in wariyayaasha laga xannibo howlaha ay shacabka u hayaan iyo galitaanka garoonka diyaaradaha muddo lixdan cisho ah iyaga oo aan wax fasax ah ka heysan maamulka garoonka diyaaradaha.
Sida lagu xusay qoraalkaas ciddii jabisa amarkaas ka soo baxay xafiiska Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde waxaa ay muteysan doontaa ganaax shirkadeed,xarig iyo in laga mamnuuco soo galitaanka garoonka.
Ururka suxufiyiinyta Soomaaliyeed ee NUSOJ waxa uu tallaabadan u arkaa mid liddi ku ah xurriyadda hadalka ,xorriyadda warbaahinta iyo xaqa ay shacabka u leeyihiin in ay helaan war sugan oo madax bannaan meel kasta oo munaasab ah.
Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Idaacadda Risaala uga waramay arimahaasi.


