DHAGEYSO WAREYSI: Maxay ka wada hadleen R/wasaaraha iyo Madaxweynaha Ahlusunna ?

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlsunna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa xalay kulan ku yeeshay Guriga xildhibaan hore C/samad Macalin Maxamed uu ka degan yahay Muqdisho.

C/samad Macalin Maxamed oo si dhow ula shaqeeya Ahlusunna oo la hadlay Risaala ayaa sheegay kulanka ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Ahlusunna in ay uga wada hadleen arrimaha la xiriira Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna.

Waxa uu sheegay kulanka la doonayo in lagu wada hadalsiiyo Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna in ay kaalin weyn ka qaadanayaan Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka oo ugu horeeyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.