Maamulka Hirshabeelle ayaa amray in la xiro isbitaalka Magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle oo ay gacanta ku hayso hay’adda Intersos ee xarunteedu tahay dalka Talyaaniga.
Sidoo kale Ciidamo ka tirsan maamulka Hirshabeelle ayaa xabsiga dhigay Madaxa Isbitaalka Jowhar Xasan Mahad Cabdi.
Isbitaalka Jowhar ayaa ka mid ah isbitaalka ugu weyn gobolka Shabeelaha Dhexe ee la dhigo dadka ay cuduradu soo ritaan.


