DHAGEYSO WAREYSI: Maamulka Degmada Wadajir oo Faahfaahiyay Raggii ay toogteen Ciidamada

Gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa Faahfaahin ka bixiyay labo nin oo hoobiyeyaal tuurayay oo Ciidamada Ammaanka ay toogteen.

Axmed Cabdulle Afrax Gudoomiyaha degmada Wadajir oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka ay dileen labadaasi nin xilli ay ku howlanaayeen Tuurista Hoobiyeyaal.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa xusay in labadaasi nin Al-Shabaab ay ku qaabilsanaayeen degmada Wadajir.

 Waxaa uu tilmaamay in ay ka dambeeyeen dilal badan oo ka dhacay degmada Wadajir, Sida dilkii loo geystay Xoghayihii degmada Wadajir.

Maamulka Degmada Wadajir ayaa sidoo kale xusay in raggaasi ay ahaayeen kuwo si weyn loo doon doonaayay.