Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlusunna oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan Shirka Madasha Wadatashiga ee Qaran ee ka socda magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.
Cali Baashi Aadan Faarax Madaxweyne ku xigeenka maamulka gobolada dhexe ayaa sheegay in aysan jirin cid u mataleysa shirka Madasha Wadatashiga Qaran maamulka gobolada Dhexe.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay in ay Albaabada ka xiratay dadka kunool gobolada Dhexe.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in aan gobolada Dhexe lagu maamuli doonin waxyaabaha kasoo baxa shirka Madasha Wadatashiga Qaran.
Maamulka Ahlusunna ayaa kasoo horjeeda maamulka Galmudug oo ay aqoonsantahay dowladda Soomaaliya.


