DHAGEYSO WAREYSI: Kulan dhexmaray Khayre iyo Shariif Xasan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xalay waxa ay kulan gaar ah ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab, oo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay ka wadaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin Yuusuf Abuukar (Gacma) oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay kulanka dhexmaray labada dhinac inuu ku soo dhamaaday is afgarad iyo guul.