DHAGEYSO: WAREYSI Ku saabsan shirka jowhar ka furmaya

Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa gaaray Ergooyin hor leh si ay kaga qeyb galaan shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo qorshaha uu yahay in uu ka furmo Magaaladaasi.

Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan Magaalada jowhar ayaa sheegaya in maanta ay u badan tahay in Magaaladaasi uu ka furmo shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Nabadoon Islow Jeesto oo ka mid ah Waxgaradka ka qeyb galaya shirka oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in maanta ay ubadan tahay in shirka uu dib uga furmo Magaalada Jowhar.