DHAGEYSO WAREYSI: Ku saabsan Qarax ka dhacay Kismaayo

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo caawa ka dhacay xerada Dalxiis oo ay degan yihiin Qoysas, sidoo kalena ay ku yaalaan goobo ganacsi.

Qaraxan ayaa la sheegay nuuciisa in uu ahaa Bambo gacmeedka gacanta laga tuuro, waxaana ku dhaawacantay 4 Qof, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka.

Korneel Xasan Kheyre Taliyaha Booliska Gobolka Jubada Hoose ee Maamulka Mubbaland oo caawa la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay bambo gacmeedkan in ay ku dhaawacmeen 4 Qof.