DHAGEYSO WAREYSI: Ku saabsan Dagaal ka dhacay Beledweyne

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Galbeedka Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo ka dhacay degaanka Caloola Cad oo qiyaastii 15-KM u jira Magaalada Baledweyne ayaa waxa uu u dhaxeeyay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab iyo Maleeshiyo Isbaaro u tiilay.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Dagaalyahanada Shabaab ay weerar ku qaaadeen Maleeshiyada Isbaarada u tiilay, sida uu soo sheegayo wariyaha Risaala ee Magaalada Beledweyne.

Wariyaha Idaacadda Risaala ee Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaan arimahaasi ka wareysanay.