Maamulka Jubbaland ayaa beeniyay war shalay ka soo yeeray ururka Al-shabaab, kaas oo ku aadanaa Askar ka tirsan Ciidanka Jubbaland in ay u soo goosteen Shabaab.
Afhayeenka Booliska Maamulka Jubbaland Jaamac Xasan Axmed oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid been abuur ah oo sal iyo raad mid aan laheyn.
Wuxuu sheegay in ay la socdaan dhaq dhaqaaqa Ciidanka, Howlgalka Ciidanka iyo goobaha ay aadayaan Ciidanka Jubbaland ee isugu jira Nabad sugid, Militari iyo Boolis.


