DHAGEYSO WAREYSI: Idaacad ku taalla Afgooye oo la xiray

Ciidanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa hawada ka saaray idaacadda  Radio Afgooye oo ka mid ah idaacaddaha Madaxa banaan ee ku yaalla magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed ayaa xarunta idaacadda gudah u galay waxaana la sheegaya in ay Al-baabada ay isku dhufteen.

Wariye ka tirsan Idaacadda Afgooye oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka aysan u sheegeen sababta ay u xireen Radio Afgooye.

Agaasimaha Idaacadda Radio Afgooye Maxamed Muuse oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka maamulka Koonfur Galbeed oo uu hogaaminayo gudoomiyaha degmada Afgooye.