DHAGEYSO WAREYSI: Faah faahin Dagaal ka dhacay Degaano ka tirsan Sh/Hoose

Waxaa faah faahino dheeraad ah laga helayaa Dagaal shalay Galab ilaa xalay ka dhacayay Degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Dagaalkanoo u dhaxeeyya Ciidanka Dowladda iyo Shabaab ayaa waxa uu geystay khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dhinacyadii Dagaalamay.

Dadka Degaanka oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen xaalada Degaanadii lagu dagaalamay in ay saakay degan tahay, oo aanay jiirn wax cabsi ah.

Mid ka mid ah saraakisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Dagaalkii xalay ka dhacay Degaanada Shabeellaha Hoose in uu ahaa mid gaadmo ah, balse Ciidamada ay iska difaaceen.