DHAGEYSO WAREYSI: Dil ka dhacay Degmada Waaberi

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta ay kooxo hubeysan halkaasi ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Wasaarada Cadaaladda Dowladda Federaalka.

Sarkaalka ayaa xilligii la dilayay waxa uu ka soo baxay Masjid ku yaalla xaafada Horseed ee Degmada Waaberi, waxaana magaciisa lagu sheegay Maxamed Aadan (Qoordheere).

Dad Goobjoogayaal ah ayaa Risaala u sheegay Kooxo ku hubeysan Bastoolado in ay ka dambeeyeen Dilka Sarkaalkan, waxaana Dilka kadib ay ka baxsadeen goobta uu Dilka ka dhacay.

Maxamed Cumar Cabdalla oo ah Guutada 10-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Hiiraan oo ku sugan Magaalada sidoo kalena Qaraabo dhow ay ahaayeen Sarkaalka la dilay ayaan arimahaasi wax ka weydiinay.