Degaanka Banyaaley oo ka tirsan Gobolka Hiiraan dhowaan waxaa ku dagaalamay laba maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega, Dagaalkaas waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Odayaasha dhaqanka ee ka soo kala jeeda labada beelood ee dagaalay ayaa heshiis hordhac ah waxa ay ka gaareen dagaalka ka dhacay degaanka Banyaaley ee gobolka Hiiraan.
Maamulada Hirshabeelle iyo Ahlusuna xubno ka socda ayaa ka shaqeeyay in heshiis hordhac ah la kala dhexdhigo, labada dhinac, sidoo kalena la kala qaado maleeshiyaadka.
Madaxweyne ku xigeenka maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna Cali Baashi Aadan Faarax oo la hadlay Risaala ayaa xaqiijiyay in heshiis hordhac ah laga gaaray dagaalka, sidoo kalena maanta lagu wada in la dhameystiro wajiyada kale heshiiska.


