Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay magaalada Beydhabo ku soo bandhigeen Hub iyo Agab ciidan oo ay sheegeen in ay ka qabsadeen ururka Al-shabaab.
Taliye ku xigeenka Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciidanka Koonfur Galbeed in ay ku soo furteen 5 Qori oo AK47 ah iyo Agab kale oo ciidan, isagoo sidoo kale sheegay in Howlgalkaasi ay ku dileen 3 Dagaalame oo ka tirsan Shabaab.
Taliye ku xigeenka Booliska Gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan uu ka dhacay meel Deegaanka Labaatan-jirow 6KM ujirta, wuxuuna sheegay in Howlgalkan uu qeyb ka yahay Howlgalada Shabaab looga saarayo Deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.


