DHAGEYSO WAREYSI: Codsi loo diray Maxkamadda Sare ee Dalka

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laga codsaday in ay joojiso dhaarinta iyo waliba diiwaan gelinta xubnaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

In ka badan 40 Musharax oo u taagnaa xildhibanimada Aqalka Hoose, balse guuldareystay ayaa dacwad u gudbiyay Maxkamadda Sare ee Dalka, waxaana ay sheegeen in kuraastooda la musuq maasuqay.

C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ahaa Qareenada u doodaya Musharaxiintan oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu sheegay in Maxkamadda Sare ee Dalka ay ka codsadeen in ay joojiso dhaarinta xildhibaanada cusub, si kuraasta la musuq maasuqay xal looga gaaro.