Ciidanka Itoobiya ayaa maanta waxa ay isaga baxeen Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, sida ay inoo sheegeen Maamulka Degmadaasi.
Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale ayaa Risaala u sheegay Ciidanka itoobiya in ay ka baxeen Degmada, iyaga oo aan ku soo war gelin maamulka.
Waxa uu sheegay Ciidanka Itoobiya in ay u dhaqaaqeen dhanka Degmada Dhuusa-mareeb, wuxuuna Ciidanka Itoobiya ku eedeeyay in ay u dhaqmeen si masuuliyad daro ah.
Sidoo kale Nuur Xasan Guutaale Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay Al-shabaab in ay la wareegeen Degmada, hadana ay maamulayaan, oo ay heystaan xarumaha Maamulka Degmada uu ku shaqeynayay.


