Kismaayo-RisaalaFM- Magaalada Kismaayo oo xarun Ku meel gaar u ah Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ah magaalo xeebeed saaran Badweynta Hindiya.
Kismaayo ayaa soo martay marxaladooyin kala duwan, hadii ay ahaan laheyd mid Amni iyo dhaqaalaba, waxaana hada shacabka halkaasi ku nool ay ku tartamayaan bilicda magaalada.
Shacabka magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ku sheegayaan in xaalada amni ee magaalada ay tahay mid la isku haleyn karo.
Ciidamada kala duwan ee maamulka Jubbaland oo kaashanaya shacabka ayaa ka shaqeynaya nabadgelyada magaalada Kismaayo.
C/raxiin Xuseen Xasan (Caylaawe) oo ka tirsan warbaahinta Risaala howlo shaqana u jooga magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa warbixintan inoo soo diray.










