DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay Qaraxyo ka dhacay Gaalkacyo

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qaraxyo Saakay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Labo Qarax oo waa weyn ayaa ka dhacay xarunta wadada Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi yare oo ku taalla Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Qaraxyadda ka dib dabley hubeysan ayaa la sheegay in ay gudaha u galeen xarunta ,halkaasna ay ku laayeen dadkii ku sugnaa.

Dad badan oo isugu jira Shacab iyo xertii wadaadka ayaa la xaqiijiyay in ay halkaasi ku dhinteen, waxaana ugu dambeyntii weerarkaasi soo Afjaray Ciidanka Galmudug.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxyaddaasi lagu dilay Sheekh Cabdiweli Cali Cilmi.

Wariyaha Risaala Saxansaxo ayaa ka waramaya wararkii ugu dambeeyay ee Qaraxyadda.