DHAGEYSO:- Wararkii ugu dambeeyay ee Kulanka Ra’isal Wasaaraha iyo Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan

Ra’isal Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake iyo Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa waxay magaalada Baladweyne ugu socdaa kulamo gaar gaar ah oo loogu hadlaya cabashooyinka ay tabanayaan odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Kulamada ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo xalin lahaa cabashooyinka iyo dhaliilaha ay qabaan odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Ra’isal Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la qanciyo odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan si loogu guuleysto dhismaha maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa Ra’isal wasaaraha Soomaaliya hor dhigay qodobada ay doonayaan in laga qanciyo iyo kuwa ay dhaliilsan yihiin.