DHAGEYSO: Warar ku saabsan doorashadii lagu soo gaba gabeeyay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay  ayaa xalay waxaa lagu soo gaba gabeeyay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed.

Doorashadan oo galabnimadii shalay bilaabatay ayaa xalay la soo gaba gabeeyay, waxaana lagu doortay Labadii xubnood ee ugu dambeysay ee ka mid noqda Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga koowaad oo xalay ay ku tartameen Xuseen Maxamed Sheekh iyo Cumar Cali Maxamed ayaa waxaa ku soo baxay Xuseen Maxamed Sheekh oo helay 50 cod.

Sidoo kale kursiga Labaad oo ay ku tartameen Xasan Macalin Xuseen iyo Xasan Xaaji Ibraahim ayaa waxaa ku soo baxay Xasan Macalin Xuseen oo helay 40 cod.

 Doorashada Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay oo socotay mudo ka badan bil ayaa gabi ahaan xalay la soo gaba gabeeyay, waxaana soo dhameystirmay 69-ka xubnood ee ka imaanaya Degaanada Koonfur Galbeed.
Magaalada Baydhabo ayaa noqonaysa Magaalada labaad ee lagu soo afjaro doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.