Jowhar-RisaalaFM- Madaxweynaha maamul Goboleedka Hir-Shabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa sheegay in doorashada xubnaha Aqalka sare u matalaya maamulkaasi ay dhici doonto maalinta Axadda ah oo ay Taariikhdu ku beegan tahay November 6, 2016.
Cali C/laahi ayaa intaa ku daray in ay inta ka horreyso dhammaysan doonaan howlo yar yar oo ku aaddan dhammaystirka hannaanka doorashada, taas oo ay xigi doonta doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Dalka.
Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed, ayaa Laba Cisho ka hor ka dhawaajiyay in ay diyaariyeen Aqalka sare, balse masuuliyiinta kale ee maamulkaasi ayaa codsaday in lasii turxaan bixiyo haddii ay jiraan tabashooyin ku aaddan saami qaybsiga Kuraasta.


