DHAGEYSO: Wafdi ka socda IGAD oo gaaray Beledweyne

Beledweyne-RisaalaFM- Waxaa maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan gaaray Wafdi ka socday urur goboleedka IGAD oo maalmahan laga sugayay magaaladaasi.

Xubnaha wafdigan ee maanta gaaray magaalada Beledweyne Wakiilka IGAD ee arimaha Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey, waxaana Garoonka Diyaaradaha magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan.

Wafdiga oo si kooban ula hadlay warbaahinta ayaa ujeedka ay magaalada Beledweyne u gaareen waxa ay ku sheegeen in uu yahay sidii ay udar dar gelin lahaayeen dhameystirka shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Odayaasha gobolka Hiiraan ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan wafdiga IGAD ee maanta gaaray magaalada Beledweyne,

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ka mid ah Waxgaradka Hiiraan ayaa lagu wadaa wafdiga IGAD in ay si gaar ah ula kulmaan si ay uga dhaadhiciyaan ka qeyb galka shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa taalo gogosha shirka maamul usameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo wali aysan wax natiijo ah ka soo bixin.