Wariyaha Risaala ee Magaalada Baydhabo ayaa kusoo waramaya in Magaalada wali ay ka taagan xaalad culus, islamarkaana taageerayaasha Mukhtaar Roobow ay xirteen wadooyinka qaar ee Magaalada Baydhabo.
Taageerayaasha Roobow ayaa sidoo kale diiday in loo kala gudbo Xaafaddaha kala duwan ee Magaalada Baydhabo, waxaana dhammaan xiran goobaha ganacsiga.
Dadka qaar ayaa guryahooda Banaanka uga soo bixin cabsidda ka taagan magaalada, xilli Magaalada ay isku diyaariyaan in ay howlgal ka fuliyaan Ciidamada Booliska ee halkaasi ka howlgalla.
Wararkii ugu dambeeyay Waxaa ka warmaya wariye Sayid Cali oo ku sugan Baydhabo.



