DHAGEYSO: Waare oo xalay la kulmay xildhibaanada Hirshabeelle

Jowhar-RisaalaFM- Weli waxaa caqabad ay ka taagan tahay meel marinta xubnahga Golaha Wasiirada Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu soo magacaabay, iyada oo xubno ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle ay is adag kaga soo horjeedaan ansixinta Golaha Wasiirada Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare oo dareensan diidmada kala duwan ee ka imaaneysa xildhibaanada ayaa hada bilaabay kulamo ujeedadooda ay tahay sidii uu xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ugu qancin lahaa ansixinta xubnaha Golaha Wasiirada.

Kulan xalay ka dhacay magaalada Jowhar ayaa waxaa la iskula gorfeeyay in la ansixiyo xubnaha Golaha Wasiirada, waxaana kulankii uu xalay xildhibaanada uu kaga dhaadhiciyay meelmarinta Golaha Wasiirada.

Axmed Cabdi Faarax oo ka mid ah xubnaha Golaha Baarlmaanka maamulka Hirshabeelle oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay in hada meel gaba gabo uu marayo sidii loo ansixin lahaa Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle.