Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Erdogan EX-Digfeer waxaa ku xanuunsanaya Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub) oo xanuuno far badan ay isugu darsameen.
Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub) ayaa Todobaadyadii ugu dambeeyay waxa uu ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho, waxaana hada xaaladiisa caafimaad ay tahay mid soo hagaageysa.
Muno Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub) oo uu dhalay Abwaan Sangub oo la hadashay Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka warbixisay xaalada caafimaad ee Abwaan Sangub.


