Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Xukumada Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed MaxamedMaxamuud ayaa ka hadlay Amniga Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu sheegay in Laamaha Amaanka Soomaaliya ay si buuxda ugu guuleysteen Xaqiijinta Amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.
Carab ayaa sidoo kale tilmaamay in Wada shaqeyn Wanaagsan ay ka dhaxeyso ciidamada Amniga iyo sidoo kale Bulshadda kunool Magaalada Muqdisho.
Waxaa uu ugu dambeyntii uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ayna garab siiyaan laamaha Amniga qaranka taasoo uu sheegay in ay horseedayso in dalka uu gaaro Amni buuxa.
Amniga Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay wanaagsanaa inkastoo ay ka dhacaan dilal qorsheysan.



