Ururka Ahlusunna ee gobolada Dhexe ayaa Gudoomiyeyaal u magacaabay degmooyin ka mid ah gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.
Wareegto kasoo baxday Madaxweynaha maamulka Ahlusunna ayaa lagu magacaabay Gudoomiyeyaasha degmooyinka Matabaan oo Hiiraan ah , Guriceel iyo Dhuusamareeb oo Galgaduud ah.
Sidoo kale Madaxweynaha maamulkaasi ayaa magacaabay Gudoomiye ku xigeenada degmooyinkaasi.
Ururka Ahlusunna ee gobolada Dhexe ayaa ka taliya qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud sida Guriceel, Dhuusamareeb.
Afhayeenka Madaxtooyadda Ururka Ahlusunna ayaa warbaahinta u aqriyay Wareegtada.


