DHAGEYSO: Tarsan “Waa la iidiiday Doorashada Aqalka Hoose”

Muqdisho-RisaalaFM- Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir kana mid ah Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay isaga iyo siyaasiyiin kale in loo diiday in ay u tartamaan xilka xildhibaanimada Aqalka Hoose.

Waxa uu sheegay in ay jiraan siyaasiyiin kale oo si musuq maasuq ah ku helay kursiga xildhibaanimo  ee Aqalka Hoose, isagoo sidoo kale sheegay arrintan in ay ka dambeyso Madaxtooyada Soomaaliya.

Tarsan ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo go’aankii Guddiga xalinta khilaafaadka ay ku laaleen 11-ka mid ah kuraasta lagu soo doortay Magaalooyinka Maamul Goboleedyada Dalka ka jira.

Waxa uu sheegay muhiim in ay tahay siyaasiyiinta Soomaaliyeed in loo madax banaaneeyo aragtidooda iyo sidoo kale in ay u tartamaan xilalka Madaxtinimo ee Dalka.