Beledweyne-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Beledweyne korneel Cali Dhuux Cabid Mahad Alle oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu fariin u diray shacabka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Taliye Cali Dhuux ayaa shacabka ugu baaqay in Ciidamada ammaanka ay u soo gudbiyaan dadka falalka amni daro ka sameynaya Magaalada Beledweyne, si looga hortago.
Cali Dhuux Cabid Mahad Alle Taliyaha Ciidanka Booliska Magaalada Beledweyne ayaa shacabka ka codsaday xilliyada Habeenkii in Gawaarida ay ku wadaan Xawaare Hoose, sidoo kalena u istaagaan xarumaha baarista ee Ciidamada ay ku sugan yihiin.
Habeen ka hor ayay aheyd markii Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan lagu dilay Nin watay Mooto Bajaaj, sidoo kalena lagu dhaawacay Qof Macalin ah.


