Muqdisho-RisaalaFM- Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinka Dalka iyo qaabka amniga loo sugayo xilliga Doorashooyinka.
Waxa uu sheegay amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho hada in uu yahay mid sugan, maadaama ay ka socdaan Doorashoyinka Madaxda Qaranka.
Taliye Bishaar ayaa sheegay si nabad gelyo ah in ay ku soo dhamaadeen dhaarintii xildhibaanada, Doorashadii ka dhacday xarunta Gaadiidka Booliska iyo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.
Waxa uu sheegay hada in ay harsan tahay oo keliya Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, taasina ay rajeynayaan in ay si wanaagsan ku soo dhamaan doonto.
Bishaar Abshir Geeddi Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidanka ammaanka, si looga hortago weerarada mararka qaar dhaca.


