Waxa uu sidoo kale sheegay in ay la kulmeen qeybaha kala duwan ee gobolka Mudug islamarkaana ay kala hadleen sidii ay ugu qeyb qaadan lahaayeen Xaqiijinta amaanka gobolka.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay ku dadaalayaan xaqiijinta amniga guud ee gobolka, waxa uuna sharaxay go’aanada ay soo saareen.
Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca Dilal qorsheysan oo loo geysanayo Mas’uuliyiinta gobolka Mudug, kuwaas oo intooda badan Mas’uuliyadooda ay sheegtan Dagaalyahanada Al-shabaab.


