DHAGEYSO: Tababar loo soo xiray Ciidamo “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Dugsiga Tababrka ee Dowladda Imaaraadka Carabta ay ku lee yihiin Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ayaa maanta waxaa Tababar loogu soo xiray cutubyo ka mid ah Ciidanka Qalabka Sida ee Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Munaasabada lagu soo xirayay Tababarkan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhiga cusub ee Soomaaliya, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Saraakiil Ciidan iyo marti sharaf kale.

Ciidankan Tababarka loo soo xiray oo tiro ahaan gaarayay 400 ayaa waxaa tababarkan siinaysay Dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Gaashaandhigga cusub ee Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa sheegay in ay u mahadcelinayaan Dowladda Imaaraadka Carabta oo kaalin weyn ka qaadatay Tababarka Ciidamadan.

Wasiir C/rashiid ayaa sheegay Ciidankan Tababarka loo soo xiray in ay qeyb ka qaadan doonaan sugidda amniga iyo Dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay Ahmiyadda koowaad ee Dowladan in ay tahay sugidda amniga, si taasi loo gaarana muhiim ay tahay in la helo Ciidan Asluubeysan oo gudan kara waajibaadkooda.

 

Ciidamo 1 Ciidamo 2 Ciidamo 3 Ciidamo 4 Ciidamo 5 Ciidamo 6 ciidamo 7 ciidamo 8 ciidamo 9