Dhageyso:-Soomaaliland oo joojisay dhaq dhaqaaqa Gaadiidka Gobolka Sanaag

Wararka aanu ka heleyno Deegaanka Hadaaftimo ee Gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay  banaanbax ay dhigayeen shacabka deegaanka kaasi oo ay ku diidan yihiin dhaq dhaqaaqa ciidamada Somaliland.

Maamulka Degmada Hadaaftimo ee Puntland ayaa dhankiisa beeniyay in Ciidanka Somaliland ay gudaha usoo galeen Degmada balse waxa uu sheegay in wali ay ku sugan yihiin Deegaanka Yubbe oo kudhaw degmadaasi.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidamada Soomaaliland ay joojiyeen dhaq dhaqaaqa Gaadiidka ka dhex shaqeyn jiray degmada Hadaaftimo iyo deegaanka Yubbe oo Soomaaliland ay ciidamo farabadan soo dhoobtay,isla markaana ay la walaacsan yihiin dadka Shacabka.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaano ka tirsan gobolka Sanaag ka taagnaa xiisad u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland, kadib markii Soomaaliland ay ciidamo farabadan geysay deegaanka Tubbe ee Bariga Gobolka Sanaag.