DHAGEYSO: Soomaalida Koonfur Afrika oo baaq u diray R.W Kheyre

Soomaalida kunool dalka Koonfur Afrika ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay wax ka qabato dilalka loogu geysto dalkaasi.

Waxa ay sheegeen in bilihii lasoo dhaafay ay kordheen dilalka lagu haayo Ganacsatadda Soomaaliyeed ee kunool dalkaasi koofur afrika.

Qaar ka mid ah Soomaalida kunool dalkaasi ayaa ka codsaday Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre in ay wax ka qabtaan dilalka iyo dhaca lagu haayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa dalka Koonfur Afrika waxaa ka dhacayay dilal qorsheyan oo loo geysanaayay Ganacasatadda Soomaaliyeed ee halkaasi kunool.