DHAGEYSO: Somaliland oo masaafurisay Saraakiil ka tirsan DRC

Hargeysa-RisaalaFM- Wasiirka Qorsheynta Somaliland Maxamed Ibraahim Aadan ayaa sheegay Labo Sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Danish Refugee Council (DRC) Degaanada Somaliland in laga masaafuriyay, kadib markii ay ku kaceen falal la sheegay in ay lidi ku tahay diinta Islaamka.

Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) Wasiirka Qorshaynta ayaa warbaahinta u sheegay in labada mas’uul ee la masaafuriyay mid ka mid ahi uu qof shaqaalaha ka mid ah ka horjoogsaday inuu tukado, halka ka kalena uu wax ka sheegay aadaanka masaajidyada.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in goobta shaqada ee Hay’adaasi aanay ka jirin wax diinta wax u dhimaya, balse labadan qof ay ahaayeen kuwo iskood u sameeyay falkan.

Sidoo kale waxa uu  sheegay in ay la dagaalami doonaan sidoo kalena ay Degaanadeeda ka saari doonaan cid kasta oo Diinteena suuban ku soo xad gudubto, maadaama aynu nahay dad Islaam ah oo Diintooda ku ad adag.

Hay’aada DRC weli kama aysan hadlin go’aanka Soomaaliland ay Degaanadeeda uga masaafurisay Labo Sarkaal oo ka tirsan shaqaalaheeda, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay sameeyeen xad gudub.