Dhageyso:-Somaliland oo ka jawaabtay hadalkii Madaxwaynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Sabtidii todobaadkaan waxaa uu sheegay in Soomaaliland uu wadahadal kala gelayo deegaano ka tirsan maamulkaas oo uu sheegay inay kusoo xad-gudbeen,hayeeshee waxaa hadalkaas ka jawaabtay Soomaaliland.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay taagan yihiin kala tag,isla markaana Soomaaliland ay tahay mid gooni isu-taagtay oo sameysatay Dastuur u gaar ah.

Waxaa uu sheegay in deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ay ka dhaceen dagaalo iyo dhibaatooyin kala duwan,hayeeshee uu rajeynayo inaysan soo laaban,laakin dhibaatooyinkaas ay diyaar u yihiin inay Puntland ka wada hadlaan.

Maxaabiis kala duwan ayuu sheegay in Soomaaliland iyo Puntland ay siidaayeen,isla markaana dhankooda ay diyaar u yihii wixii dani ugu jirto Shacabka oo dhinaca nabada ah.

Soomaaliland iyo Puntland ayaa waxaa ay horay ugu wada dagaalameen deegaano ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag,waxaana xusid mudan in weli Ciidamo kala taabacsan ay isku hor-fadhiyaan deegaano ka tirsan Gobolka Sool gaar ahaan Tukaraq.