Todobaadkii la soo dhaafay ayaa dad careysay oo ka mid ahaa muruq maalka dekadda Berbera ee Soomaaliland waxaa ay weerar sababay dhaawacyo culus ay ku qaadeen qaar ka mid ah Shaqaalaha Xamaalada Ajaanibta ah ee ka howlgalla dekada Magaalada Berbera,waxaana markii ugu horeysay dhacdadaasi ka hadlay Maamulka Soomaaliland.
Wasiirka shaqa-gelinta Arrimaha Bulshada & Qoyska Soomaaliland Hind Jaamac Xersi ayaa cambaareysay falkaasi lagu dhaawacay 5 ruux ee Ajaanibta ah,waxana ay sheegtay in uu ahaa mid sharciga iyo Dastuurka Soomaaliland ka hor-imaamaya.
Sidoo kale waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartay in Soomaaliland ay tahay goob nabad ku caan baxday,balse aysan ogolaan doonin in dadka leyska weeraro,sidoo kalena qof walba oo wax tabanaya uu soo maro Sharciga iyo Dastuurka Soomaaliland, iyada oo u digtay dadka ku kacaya falalka noocaas oo kale.
Qaar ka mid ah Bulshada ku nool deegaanada Soomaaliland ayaa dhowr jeer waxaa ay ka cawdeen in Shaqo ay qaban karaan la siiyo dad Ajaanib ah,waxaana Hinda Jaamac ay sheegtay in xeerka Shaqaalaha rayidka Soomaaliland uu horyaallo Golaha wakiilada,isla markaana ay rajeynayaan in Maalinta Khamiista ah ee so socota la ansixiyo.



