Laascaanood-RisaalaFM-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegay in saakay gobolkaas ay ka taagan xiisad colaadeed oo u dhaxeysa labo beelood oo walaalo ah oo shalay ku dagaalamay deegaano hoos yimaada gobolka Sool.
Maamulka Somaliland ayaa ciidamo u diray goobtii shalay lagu dagaalamay oo la sheegaayo in ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof oo ah labadii dhinac ee dirirto dhex martay.
Wasiirka wasaarada Warfaafinta maamulka Somaliland ayaa warbaahinta u sheegay in maamulka Somaliland ay ku dadaali doonaan sidii loo haki lahaa colaada ka tagaan gobolka Sool.
Deegaanka uu dagaalku dhacay ayaa lagu magacaaba Dharkeyn ,waxa uuna hoos yimaada magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Saakay ayaa la sheegaya in xiisad colaadeed laga dareemaayo deegaanka Dharkey ,waxaana jira dadaalo ay wadaan waxgaradka labadii dhinac ee shalay dagaalamay.


