DHAGEYSO: Somaliland oo baareysa Nin Maxbuus ah oo isdilay

Berbera-RisaalaFM- Nin ku jiray Xabsiga Magaalada Berbera ayaa la sheegay in uu isku dhex dilay gudaha Xabsigaasi ka markii la sheegay in uu ku dhibtooday Xabsiga.

Maamulka Somaliland ayaa faah faahin ka bixiyay sababta keentay in uu ninkaan isdilo iyo Xaalada guud ee Maxaabiista Xabsiga Magaalada Barbara.

Axmed Faarax oo ah Wasiirka Wasaarada Cadaalada Maamulka Somaliland ayaa Warbaahinta u sheegay in Ninka isku dhex dilay gudaha Xabsiga Barbara uu yahay Nin Madaxa loogu jiray islamarkaana aan Caafimaadkiisa dhameystirneyn.

Waxa uu sheegay Wasiirka in ay baarayaan arrintaasi islamarkaana ay soo bandhigi doonaan natiijada ka soo baxda baaritaankooda.

Xabsiyada ku yaalla Degaanada Somaliland ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin kuwaasi oo ay qabaan Maxaabiista ku jirta Xabsiyada Somaliland.