DHAGEYSO: SOMA oo baaq u dirtay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Amniga

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho maanta waxaa si wadajir ah shir jaraa’id ugu qabtay qaar ka mid ah ururada warbaahinta Soomaaliyeed, shirkaasi oo ay kaga hadleen cabashooyin ay ka qabaan Wasaaradaha Warfaafinta iyo Amniga.

Somali Media Association (SOMA) oo ka mid ah ururada warbaahinta Soomaaliyeed ee maanta shirka jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay Wasaaradda Warfaafinta iyo Amniga ku eedeysay nidaamka ay u bixinayaan kaararka Doorashooyinka.

Xoghayaha Hay’adda Warbaahinadda Madaxa bannaan ee (SOMA) Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay ayaan darro in ay tahay talaabadda ay Wasaaradaha Warfaafinta iyo Amniga u qeybinayaan kaararka suxufiyiinta ee Doorashada.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa sidoo kale ka digay in khilaaf laga dhex abuuro Hay’adaha warbaahinta Soomaaliyeed, taasina ay sabab u yihiin hadii ay dhacdo Wasaaradaha Warfaafinta iyo Amniga.

Ugu dambeyntii Xoghayaha Hay’adda Warbaahinadda Madaxa bannaan ee (SOMA) Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa Wasaaradaha Warfaafinta iyo Amniga uga digay kaararka Doorashooyinka in ay ku qeybiyaan qaab dhabar ka taabasho ah.