DHAGEYSO: Siyaasiyiin ka hadashay Dib u dhigista Doorashooyinka

Gudoomiyaha Gudidga Hirgelinta Doorashada dadban ee dalka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho,ayaa sheegay qaabka ay u dhacayso doorashada iyo xiliga doorashada.

Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey ayaa sheegay in Doorashada xubnaha Aqalka sare ee dalka ay dhacayso 25-ka September sidoo kale Doorashada Xildhibaannada waxa uu sheegay in ay dhacayso 24-ka September ilaa iyo 10-ka October.

Sidoo kale Doorashada Guddoomnka Baarlamaanka ayaa la shaaciyay in dhacayso 25-ka October.

Ugu danbeyntii Gudoomiyaha Gudidga Hirgelinta Doorashada dadban ee dalka Cumar Maxamed Cabdulle Dhegey ayaa cadeeyay in Doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 30 October.

Siyaasiga Saciid Ciise Muuse oo wareysi siiyaya Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka hadlay arimahaasi iyo kuwo kale.