Dhageyso:-Sida Shacabka Muqdisho u arkaan hawlgalka looga dhawaaqay Muqdisho

Iyadoo habeenkii xalay ahaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir uu ku dhawaaqay in Magaalada Muqdisho ay ka bilaaban doonaan howlgallo ballaaran, wadooyinkana lasii xirayo si loo sugo ammaanka ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Shacabka Magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah Shacabka Muqdisho ayaa la hadlay Radio Risaala waxaana ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan hadalka  duqa muqdisho,isla markaana looga baahan yahay in uu guto waajibaadka saaran hadii uu gudan waayana uu xilka iska casilo.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in wadda  la xiro aan amniga lagu sugi karin balse loo baahan yahay in la helo Madax naftood hurayaal ah oo Shacabka difaaca lana joojiyo dhufeesyada laga sameynayo wadooyinka Muqdisho.

Khamiistii ugu dambeysay ee todobaadkii aan soo dhaafnay ayaa iyada oo ay xiran yihiiin wadooyinka, shacabkana ay ku dhib qabaan isku-socodka gaadiidka, ayaa waxaa qarax lagu weeraray maqaad ku taalal wadada Maka-Almukarama, Waxaana dadka su’aalo ay iska weeydinayeen sida gaarigaasi uu ku soo maray Wadooyinka.

Wadooyinka ugu badan ee Muqdisho ayaa lagu jaray dhagxaan waaweyn, halka laamiyadana ay taagan yihiin Ciidamo badan oo Boolis ah, sidaasi oo ay tahay ayaa Magaalada waxaa ka dhaca falal lidi ku ah dhanka ammaanka.