Shirkadda GITCO oo ah Shirkad ka Shaqaysa arimaha Beeraha iyo qalabkooda ayaa Maanta Muqdisho waxa ay kusoo Bandhigtay Jawaano lagu keydiyo dalagyada kala duwan ee Beeraha kasoo go’a.
Jawaanada ayaa dalagyada lagu kaydin karaa 5-ilaa 10 Ssano, waxaa sidoo kale la socda Jawaanada Saacad lagu hubiyo dalaga ka hor inta aan lagu shubin Jawaanka.
Daahir Sheekh Maxamed oo ka mid ah masuulyiinta Shirkadda GITCO LTD, ayaa ugu horayn sharaxay Jawaanada tayadooda, iyo waxyaabaha ay ka bedeli Badqabka dalaga dalka.
Goobta lagusoo bandhigayay Jawaanadan ayaa waxaa ku sugnaa Iskaashatooyinka Beeraha iyo Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Madax kale.
Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Iskaashatooyinka Beeraleyda Maxamed Muuse Maxamed ayaa sheegay in Jawaawanaas oo faa’iido badan u leedyahay dad beeraleyda ah ee doonaya inay wax ku keydsadaan.
Beeralayda Soomaaliyeed ayaa inta badan waxa ay ka cawdaan in aysan heysan qalab ay uga shaqaystaan Beeraha Balse Shirkadda GITCO ayaa hadda u istaagtay Caawinta Beeraleyda Soomaaliyeed.



