DHAGEYSO: Shirka Tayeynta Shaqaalaha Dowladda oo la soo gaba gabeeyay

Muqdisho-RisaalaFM- Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay shirkii tayeynta Shaqaalaha iyo hay’addaha Dowladda.

shirkan oo shalay si rasmi ah loo furay ayaa waxaa soo qaban qaabiyay xafiiska Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay qaabka lagu hormarin karo shaqaalaha rayidka ee dowladda, doorka haweenku ku leeyihiin shaqooyinka hay’addaha dowladda iyo hormarinta hay’addaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed.

C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka mid ahaa xubnihii ka qeyb galaayay shirka ayaa aqriyay qodobada ay ku heshiiyeen xubnihii ka qeyb galay shirka ee ka kala socday hay’addaha dowladda heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Maxamed Keynaan oo ah Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahad celiyay xubnihii ka qeyb galay shirka, waxa uuna sheegay in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu jogteyn doono shirarkan oo kale.

Bisha October ee sanadka soo socda 2018 ayaa lagu balamay in shirkan oo kale la qabto sida lagu sheegay war murtiyeedkii shirka ka soo baxay.