DAAWO: Shirka Talo Qaran oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shir loogu Magac daray Talo Qaran, kaasi oo talooyin loogu aruurinayo qeybaha kala duwan ee bulshada, Saraakiisha Ciidanka iyo Madaxda Dowladda.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada sida Macalimiin, Dhaqaatiir, Ganacsato iyo sidoo kale Mas’uuliyiin ka socday Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Qaasim Maxamed Cali oo ka mid ah dhalinyarada fikirka Barnaamijkan Talo Qaran lahaa hadana ah la Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee dhanka hormarinta Qaranka ayaa shirka ka sheegey sida uu ku bilowday qorshahan.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dheeraaday ka hadalka ahmiyada ay Dowladda u leedahay in talooyin lagu kordhiyo, sidoo kalena wadatashi lala sameeyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirka Talo Qaran oo muddo Saacado ah socday ayaa isla galabta la soo gaba gabeeyay, Waxaana intii uu socday lagu soo bandhigay talooyin ku saabsan Lix qodob oo kala ah Cadaalada, Dhaqaalaha, Waxbarashada, Caafimaadka, Amniga iyo Wadaniyada.

 

1m 2m 3m 4m 5m 6m 7m