Iyadoo Berri lagu waddo Magaalada London in uu ka furmo Shir Caalami ah oo looga hadlaayo Arimaha Soomaaliya ayaa maanta Magaaladaasi waxaa ka furmay Shir horudhac u ah Shirkaasi.
Shirka Maanta ka Furmay Magaalada London ayaa Waxaa ka qeyb galay qurba joogta Soomaaliyeed ee ka kala yimid dalalka Caalamka , xubno ka socday Ururada Bulshada rayidka ah iyo sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya .
Waxaa inta badan Shirkaan diirada lagu saaray kaalinta qurba joogta Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dib u dhigiska dalka.
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyo danjiraha Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa Shirkaasi ka qeyb galay.



