DHAGEYSO: Shir looga hadlayay arrimaha Qaxootiga oo la soo gaba gabeeyay

New-York-RisaalaFM- Magaalada New-York ee Dalka Mareykanka waxaa ka lagu soo gaba gabeeyay shirkii Guud ee Qaramada Midoobay, kaas oo ay ka qeyb galeen madax ka kala socotay Caalamka.

Shirkan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada New-York ee Dalka Mareykanka ayaa waxaa hareer socday kulamo gaar gaar ah oo quseeyay arrimaha kala duwan ee caalamka ka dhacaya oo ay ugu horeyso arrimaha Qaxootiga.

Soomaaliya Shirkan waxaa uga qeyb galay Wasiirkada Arimaha Dibadda Dowladda Federaalka Soomaaliya C/salaan Cumar Hadlliye, waxaana uu halkaasi ka jeediayay khudbad la xiriirta xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed, maadama Kenya ay wado qorshe lagu xirayo Xerada ugu weyn ee Dhadhaab, taasoo ay ku jireen Kumanaan Kun.

Wuxuu sheegay arrimaha Qaxootiga in kaliya aysan wax ka qaban karin Dowladaha iyo Hay’adaha UN-ka taas bedelkeena ay muhiim tahay in loo midoobo arrimaha Qaxootiga, isagoo sidoo kale sheegay kulamo gaar gaar ah ay yeesheen in ay uga hadleen sidii wax loogu qaban lahaa dadka tabaaleysan.

Qaxootiga Aduunka ayaa tirdaooda guud waxaa lagu qiyaasay in ay yihiin Lixdan iyo Afar Milyan, Waxaana Soomaaliya ay tahay Dalka Saddexaad ee ugu badan Qaxootiga.