DHAGEYSO: Shil Khasaare badan geystay oo ka dhacay gobolka Mudug

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Shil gaari oo geystay Khasaare badan.

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta gobolka Mudug ee Galmudug ugu yaraan Shilkaasi , waxaa ku dhawaacantay 4 qof.

Wariyaha Risaala ayaa Magaalada Gaalkacyo Saxansaxo ayaa kusoo waramaya in gaari shilka galay uu ahaa Caasi.

Shilka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Xarardhagaxley iyo Wisil ee Galmudug.

Wixii kusoo kordha kala soco Risaala.net